Waa kuma Ra’iisalwasaaraha Cusub ee Khayre Badalaya

rooble

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Hobyo ee Gobolka Mudug, taariikhdu markii ay ahayd Bishii 10-aad ee sanadkii 1963-kii.

Ra’iisul Wasaare Rooble waa Injineer ku takhasusay Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Deegaanka, isaga oo Waxbarashada Masterka ee takhasuskan ka qaatay Machadka Royal ee Teknoloojiyadda ee dalka Sweden, sanadkii 2000.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sanadkii 1990-kii ka tirsanaa ardayda barata Culuumta Injineernimada Madaniga ah ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, balse burburkii dhacay ee dalka uu ka hor istaagay in uu dhammeystirto Kulliyadda Enjineernimada ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu dhiganayey.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ka shaqeynayey 14-kii sano ee la soo dhaafay horumarinta dalka, gaar ahaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta maalgashiga, ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.