Sii Hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareyey dilkii ka dhacay Raage Ceelle

mahdi

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa cambaareeyay dilkii dadka shacab ahaa oo loogu geystay Raagaceelle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Aad baan uga xumahay dilka rag culimmo ah loogu geystay deegaanka Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii ay ka bexeen, Culimadu waa biri-mageydo ay reebban tahay in la waxyeelleeyo. kuwii falkan geystay waxaa la marin doonaa sharciga.

Sidaa ayuu ku sheegay bartiisa Facebook Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Ilaa 6-ruux oo 5-ka mid ah ay Culimo ahaayeen ayaa saaka lagu dilay Raage Ceelle, waxaana falkaas ku dhaawacmay hal ruux kaas oo dhaawaciisa la soo gaarsiiyey magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiil ciidan ayaa ku wajahan deegaanka dhibku ka dhacay, si ay baaritaan iyo dabagal ugu sameeyaan kooxdii falkaasi gaysatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.