Daawo:Jaaliyada Jubbaland ee UK oo Cambarayn u jeedisay Deni iyo Axmed Madoobe

axmed madoobe

Magaalada London ee Caasumada Dalka Uk waxaa ka dhacay Kulan Balaaran oo soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Jubbaland oo lagu Cambaareynayo Madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Kulankaan oo kasoo qayb gaaleen Waxagarad, Aqoonyahano Ugaas, Nabadoono, Dhalinyaro, Siyaasyiin iyo Haween ayaa marka hore lagu cambaareeyey hadalkii kasoo yeeray Axmed Madoobe ee ahaa in Ciidamada Dowlada laga saaro Gobolka Gedo, waxaa kaloo kulankaan dhaleeyceyn loogu jeediyey Madaxwaynaha Puntland oo u quuri waayey guushay Gaareen ardayda kasoo Jeeda koonfurta gaar ahaan Jubbaland.

Dhanka kale kulankaan waxaa lagu taageeray Shirka aayo ka talinta Jubbaland oo dhawaan ka furmaya Magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo iyo shirarka looga soo horjeedo Axmed madoobe ee ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baladxaawo.

Hoos ka daawo warsaxafadeedkii Jaaliyada Jubbland ee Uk

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.