Wasiir goodax Barre oo Qaasim u Balan qaaday Jaamacad Dalka ah ama Dibada

qaasim

Wasiirka Waxabarshada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax barre ayaa waxuu balanqaad Jamacadeed u sameeyey Qaasim Salaad Gobaad.

Qaasim Salaad Gobaad ayaa ahaa wiil kasoo jeeda Qoys danyar ah oo ku nool degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo , waxa uu kamid noqday 100ka arday ee ugu saraysa imtaxaankii Shahaadiga ahaa ee Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Shaacisay.

Qoraal uu wasiir Goodax bartiisa facebooga soo dhigay ayaa Sidaan u qornayd.

“”Waxaan hambalyo u dirayaa wiilkan da’da yar ee ka mira dhaliyay hammigiisa, isla markaana sahan dheer u galay siduu u guuleysan lahaa isagoo duruuf adag ku jira, kana soo muuqday 100-ka arday ee ugu sarreysa natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee dalka. Wuxuu tusaale u yahay jiilka soo koraya si ay ugu sii diyaar garoobaan tartanka heer Qaran ee aan lagu kala badin xigto iyo xoolo, qof kastana u baahanyahay in uu dadaal badan sameeyo, saaxiibna la noqdo buugga iyo qalinka.Dadaal badne Qaasim, wuxuu heli doonaa deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ah.“”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.