Sii Hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha oo ka tacsiyeey Dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho

mahdi

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa caddeeyay in hagardaamada aragagixisadu aysan hakin doonin dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan nabad ku soo dabaalidda dalka.

“Allaha u naxariisto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii argagixisadu galabta ka geysteen Muqdisho.Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadka geeriyooday. Waxaan caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadka dhaawacmay”, ayuu yiri mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa raaciyay, “Xagjirku waxay beegsanayaan rayidka si ay u dilaan tirada ugu badan ee shacab ah. Ujeedkooda ugu weyn waa inay muujiyaan inay dad dili karaan, balse ma lahan hadaf iyo ujeeddo ay u dagaallamayaan, mana matalaan Islaamka iyo dhaqankeenna suubban oo reebaya in la laayo dad aan waxba galabsan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.