Sawiro:Gudoomiye Cumar Filish oo u dabaal dagal sanad guuradiisii kowaad

Cumar

Munaasabad lagu maamusayay sannad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii uu xilka la wareegay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa lagu qabta xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa Waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaanno, Wasiirro, madaxda degmooyinka gobolka Banaadir, qaar kamid ah madaxda xisbiyada iyo Marti sharaf kale waxaana lagu soo bandhigay heeso kala duwan oo ka turjumayay wax-qabadka guddoomiyaha gobolka Banaadir muddadii uu xilka hayay.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi iyo xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa qiray wax-qabadka muuqda ee guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sameeyay muddadii halka sanno eheed, iyagoo shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan madaxdooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa madaxweynaha Jahmuuriyadda Soomaaliya uga mahad-celiyay garab istaagii uu u muujiyay muddadii sannadka eheed,wuxuuna sidoo kale shacabka caasimadda ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen,isagoo ka codsaday in ay sii wadaan ka qeyb qaadashada horumarka caasimadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.