Sawiro:Wasiirka Gargaarka Soomaaliya oo gaaray Dhuusmareeb

xamza

Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka xukuumadda federaalka Soomaliya mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa gaaray magaalada Sama-reeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Galmudug Samiiro Ibraahim Cali,waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Sama-reeb ku soo dhaweeyay wasiirka gargaarka Galmudug,xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Galmudug.

Wasaaradda gargaarka xukuumadda Soomaaliya ayaa wado dadaallo wax looga qabanayo ka hortaga halis wadareedyada ka dhasha cimillada, waxeyna maamul goboleedyada ka billaawday qeybinta agablagula socdo isbedelka cimillada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.