Sawiro:Dibadbax looga soo horjeedo Carruur yar yar oo dhawaan la kufsaday ayaa maanta ka dhacay Baydhabo

baydhab

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Maanta ka dhacay banaanbax ballaaran oo ay dhigeen boqolaal shacab ah oo kunool Magaaladaas, waxayna ka bananbaxayeen Carruur yar yar oo dhawaan lagu faraxumeeyay gobolka Bay.

Banaanbax ayaa waxaa ka qeyb galaya boqolaal dadweyne oo isugu jira Caruur, Haween, dhalinyaro iyo Odayaal, kuwaasi oo isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Magaalada, iyagoona kasoo horjeeday falkii kufsiga ahaa dhawaan halkaas loogu geystay wiilal yar-yar.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada ammaanka ay magaalada Baydhabo ku toogteen laba Nin oo geystay fal kufsi ah.

baydhabo