Sawiro:Wasiirka Beeraha Soomaaliya Ooo Muqdisho Ka Furay Shirka Wadatashiga Sugnaanta Cuntada Iyo Nafaqada

bardheere

Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha,  Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka socday qaar ka mida wasaaradaha dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka qeyb galay shirka siyaasadda Qaran ee sugnaanta cuntada iyo nafaqada oo socon doona muddo laba cisho ah.

Ka qeyb galayaasha shirka ayaa muddada uu socdo ka tashan doona faa’iidada siyaasada sugnaanta cuntada iyo nafaqada iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa xoojinta wax soo saarka dalka iyo yareynta saboolninada si uu dalku u gaari isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Sii hayaha Wasiirka beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo shirka furay ayaa siyaasada sugnaanta cuntada aytahay in la helo karo, la gaari karo, lana isku haleyn karo cuntada oo nafaqeysan.

“Waxaan kula dar daarmayaa in laga fekero hal abuur sidii loo keeni lahaa dadkeena qaabka ay ku gaari lahaayeen badbaado cunto, waxaynu ognahay wadankeena  marka uu ka dhaco abuurta ugu yar waxa ay isu badashaa cunto la’aan” ayuu yiri Wasiirka Beeraha.

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo xibin ka ah guddiga beeraha ee Golaha Shacabka ayaa ku taliyey Inay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan nimcada uu Alle ku maneystay.

Wasiiru dowlaha xafiiska Raiiusul Wasaaraha mudane Cabdulahi Xaamud ayaa xusay inay siyaasadan qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka ganacsi ee dalka.

Siyaasada qaran ee sugnaanta cuntada iyo nafaqada oo ay diyaarisay wasaaradda beeraha Soomaaliya ayaa la filayaa inay horseed u noqoto inay Dadka soomaaliyeed helaan cunto badqabta oo tayo leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.