Madaxwayne Laftagareen oo lagu soo dhaweeyey Dhuusmareeb

lafatgareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamul Goboleedka Galmudug.

Madaxwaynaha Koonfurgalbeed iyo waftigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusmareeb kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo masuuliyin ka tirsan maamulka Galmudug.

Waxaa kaloo lafilayaa inay soo gaaraan magaalada Dhuusamareeb Madaxwaynayaasha maamulka Puntland, Jubbaland, Hirshabeele iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.