Dowlada Soomaaliya oo Sharuudo duldhigtay dadka ka imaanaya dalka dibadiisa

jinsiyada

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo tixraacaysa Go’aankii kasoo baxay Kulankii Golaha wasiirada ku meelgaarka ah 30 July 2020 ayaa Waxay war kasoo saartay dib u furista Duullimaadyada heerka Caalami ee dalka imaan jiray.

Qoraalka kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta berri oo Isniin ah kuna beegan 3 Bisha August 2020 dib loo billaabayo Duullimaadyada heerka Caalamiga ahaa ee dalka.

Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in dadka dalka soo galaya ay heystaan shahaado caddeyneysa in uusan qabin Cudurka halista ee COVID-19, uuna shahaadaas qofka qaatay ugu badnaan 72 saacadood kahor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.