Sawiro:Bannaanbax lagu taageerayo Matalaada Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socdo

muqdisho

Banaanbaxyo ballaaran oo lagu taageerayo go’aankii uu Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen 13 xubnoo oo ah matalaadda Golaha Aqalka sare ee Gobolka Banaair ku yeelanayaan bulshada Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxayaasha oo isugu tagay Taallada Daljirka dahsoon ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo halkaasi kusoo bandhigi doona shucuurtooda ku aaddan in ay matalaad siyaasadeed ka helaan Aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay goobta ka jeeddiyaan qudbado ku aaddan dedaalladii loo galay matalaadda Aqalka sare ee Bulshada Gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.