Daawo:Bananbax wayn looga soo horjeedo Wasiirka Qorshaynta Galmudug

balanbale

Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo Madaxda Maamulka Galmudug.

Degmada Balanbale waxaa isugu soo baxay Dadweyne farabadan oo isugu jira dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal iyagoo soo buuxiyey waddooyinka waaweyn ee Magaalada.

Maamulka iyo Bulshada Balanbale ayaa sheegeen inay aad uga xun yihiin qorshaha ka dhan ka ah Degmada Balanbale oo ay soo bandhigtay Wasiirka Wasaaradda qorsheysanta Galmudug Cabdinaasir geele kuna saabsan Mashruucyo, kuwaasi ah oo maal galinayso Midowga Yurub oo laga reebay Degmooyinka Balanbal iyo Dhabad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.