Wadooyinka kismaayo oo Qashin iyo haraadiga dhismaayasha qadiimiga dib lagu dayac-tirayo

qashin

Tani Waa tacadi Weyn Oo loo geysanayo Xuquuqda Aadanaha, Waayo bini Aadamka Waxaa ay xaq u leeyihiin inay helaan Amni iyo bey-o ku haboon in lagu noolaado.

Hada Kooxda argagixisada ay dawlada kenya taagerto ee maamulka xarkada kamboni ee uu hogaamiyo wadaadka mayalka adag ee Xag jirka ah ee Axmed Madoobe ayaa magaalada kismaayo ee koonfurta Somalia, Ka bilaabay Olale ay wadooniyinka magalaada ku dayactirayaan dhag-xaanta haraadiga guryaha qadiimiga ee dumay ee Magaalada iyo qashin caro wasaqeysan wato, Maamulka kooxdan Oo horay uga tirsanaa maleeshiyada argaxisada Alshabaab ee ka dagaalanto Barika Qaarada Africa ayaa waxaa ay ku caan baxeen Gabood-falada Xuquuqda insaanka.

Qashin ku dhiska wadooyinka magaalada kismaayo ayaa waxaa seeska loo qoto-tamiyayay kadib shir dhanka maaliyada Oo dhexmaray saraakiisha dawlada kenya ee ciidanka nabad ilaalinta Amisom iyo hogaanka Argaxisada Kamboni. Kawasoo si wada jir ah u lun-saday Dhaqaalihii lagu dhisi lahaa ilaa iyo 6-wado Oo bur-bursan Oo halbowle u ah isku socodka Wadooyinka Magaalada Kismaayo.

Wadooyinka Oo Aan Wax dayac tir ah helin ilaa iyo bur-burkii Maamulkii Isbaheysiga Dooxa jubba Oo kaalin weyn ka qaatay Dhismayaasha muhiimka ee Gobalada jubbooyinka, Kaa soo qeyb ka qaatay in dadku ay arkaan nidaam shaqeeyo kadib markii somalia uu dagaalka soo keeye ka dhacay 1991-kii. Meelaha la xusi karo waxaa ka mid ah sida dawlada hoose ee Magaalada.

Hay-adaha gar-gaarka Oo dhan iyo laamaha Qaarada midoobay Oo dawlada Mareykanka ay u hormuud u tahay ayaa taageero, Mashruuca ay ku dhisan tahay jubbaland Oo hada ah Maamul Mar loogu magac daray Dawlad Gobaleed kaasoo ka kooban 6-waji, Ayaa kala ah Qabaa-ilka deeganka Ciidanka Mareykanku tabaro ee soomaalida, Jubbooyinka iyo Xarakada Argagixisada Kambooni Oo laga warhayo balse ay kenya taageerto. Ciidanka ONlf-ta kuwasoo qaab qabiil Magaalada Kismaayo ku joogo.

Waxaa soo raaco ciidanka kenya iyo ethopia Oo kawada tirsan Hawgalka nabad ilaalinta Ciidanka midow-ga africo ee Somalia ee Amisom. Qoraalka Waxaa si sir ah ilaa wadaagay wariyaal ka tirsan Warbaahinta qeybta telefeshinka jubbaland Oo Magacyadooda ka gaabsaday inan shaaciyo Sabab amaan Aw-good.

Si kastaaba ha ahaatee kismaayo Waa Meel ay wali Agagixiso ka taliso Waayo wax yaabo Badan ayaa laga xusikaraa, Sida gabood-falada Xuquuqda Insaanka ee ay geesanayaan Maleeshiyada kanooniyiinta Oo isugu jiro xarig, dil,afduub, hanjabaado joogto ah, dhac iyo boob lagu hayo hantida dadka rayidka ayaa arimaha ka jiro kismaayo ka mid ah, Xag jirnimada ay aad u sii Xoogey-sanayso ayadoo xayiraado cuna qabateyn ahna lagu haayo dadka rayidka ah.

Isku soo wadada duu-duuboo Aduunka Oo dhan Waa Markii ugu horaysay Oo wasaq lagu dayac-tiraayo lagu arko tasoo ah Maamul xumo iyo musuq maamusuq Aad u xun ah Oo ka hor imaaneyso Xuquuqda Aadanaha.

WQ: Ali Abu Mohamedeyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.