Hawgal Dhinaca cirka ah oo lagu qaarijiyey Horjogayaal ka tirsan shabaab

diyarad

Ciidaanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidamada Africom ee Mareykanka ayaa howlgal lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada AL-shabaab ka sameeyay gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkaasi oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday nawaaxiga magaalada Kuunyo Barrow, Duqeyntaas oo lagu dilay 2 (labo) ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

howlgalkan ayaa ka qeyb ka ah qorshe Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga ee sii wadidda dagaalka looga takhalusayo argagaxisada quudata dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed..

Dowladda Federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ayaa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaadha dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan,Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa sii daciifaysay awoodii maleeshiyada Alshabaab ay u adeegsan jireen dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed,taasi oo ay ka dhiidhiyeen ciidamada Qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.