Baardheere:Waa Baahanay Baqti looma Cuno Axmed Madoobe lacagtiisa haloo Cesho

axmed madoobe

Dhawaan bay ahayd markii Fatahaada wabiga Jubba uu qasaaro wayn u gaystay Guryihii iyo Beerihii Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

waxaa qaylo dhaan diray Maamulka iyo Bulshada Baardheere ayagoo codsanaya Gurmad dag daga in lala soo gaaro, waxaa bilowday in lasameeyo Gudiga Fatahaada Magaalada Baardheere waxayna fureen Akoontiyo iyo Meelo Bulshada Soomaliyeed ay waxay awoodaan kusoo diraan.

Qaylo dhaantii ka timid Baardheere ayaa waxaa ka jawaabay Bulshada Soomaliyeed haday ahaan lahayd Madax iyo shacaba, Dowlada Soomaliya ayaa wafti u dirtay Baardheere waxayna gaysay Gargaar iyo lacag Dhan 200,000.

Akoontiyadii ay fureen Gudiga fatahaada Baardheere ayaa waxaa lacago kusoo diray Shacabka Soomaliyeed iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada iyo maamul goboleedyada waxaana kamid ahaa Axmed Madoobe oo 5000 Doolar Bixiyey.

Soomalida ayaa ku mahmaahda Waa Baahanay Baqti looma Cuno Axmed Madoobe lacagta uu baxshay Magac mooyee Nacfi malahan waxaa loo baahan yahay Gudigii lacagta qabtay inay u celiyaan Axmed madoobe sababtaan hoos ku qoran.

Axmed Madoobe waxuu sheegtaa Madaxwayne Jubbaland waa inuu bixiyaa mid lamida tan dowlada Federaalka ah ee Soomaliya.

Waxaad og tihiin Deeqdii Dowlada gaysay Kismaayo oo ahayd 250,000 waxba kama Helin Deegaanada jubbaland oo ugu horayso Baardheere oo fatahaad wayn ka dhacday.

Ugu dambayntii Gudiga Fatahaada Baardheere waa inay lacagtaan dag dag Axmed madoobe ugu celiyaan waxay gaf iyo Meel kadhac ku tahay Bulshada Baardheere iyo Dadkii lacagta ugu deeqay Baardheere, Madaxwayne iyo shacab isku Meel Ma galaan kalana Deeq wayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.