Wasiir kuxigeenka Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid C/qaadir Cali Boolaay

Aadan isak

Inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun;

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS mudane Aadan Izak Cali ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid marxuum Cali Boolaay.

Alle ha u naxariisto halgamaa Dr C/qaadir Cali Boolaay oo saakay ku geeriyooday London, waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan qoyska reer Cali Boolaay.

Waxaan ku booqday isbitaal ku yaala London isagoo xanuunsan, waxaa uu ila wadaagay talooyin dhaxal gal ah, talooyin u badnaa wadaniyadda

Dr C/qaadir Cali Boolaay waxa uu ahaa shaqsi kaalin muuqata ka galay warbaahinta Soomaaliya, wuxuuna wax kasoo saari jiray wargeysyadii Corriera Della Somalo, New Era, Uninone, Stella di October, Xidigta Oktoobar & “waarimeysid” oo ka soo kala bixi jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Rotterdam.

Janatul fardowsa alle hooy alle ha uga dhigo.

Aamiin Aamiin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.