horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Xuduur

dagaal

Ciidamada xooga dalka ee ku sugan degmada Xudur ayaa manta toogasho ku dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab,isla markaana dhaawacay maleeshiyaad kale ka dib markii uu iska horimaad dhexmaray ciidamada iyo kooxdaasi oo soo qafaashay 3-mooto oo nuuca Bajaajka ah iyo ragii watay.

Maxamed Isaaq Cali waa sarkaal ka tirsan taliska guutada 9 aad ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen horjoooge,isla markaana lagu dhaawacay 2-kale,ka dib kolkii ay meel 30-km u jirta degmada Xudur ay uga dabatageen kooxdaasi oo afduubtay mootooyinkaasi Bajaajka ah.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in ay howlgalkaasi ku soo  furteen qori Ak 47 ah iyo rasaas ,waxayna ciidamada gacanta ay ku soo dhigeen mootadii iyo darawalkii u afduubnaa.

Howgalkaasi uu hogaaminayey taliyaha guutada 9aad qeybta 60 aad ee gobolka bakool ,ayaa waxa uu Maxamed Isaaq Cali oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka xoog adalka uu intaa raaciyay in ay sii wadi doonaa howgalka ka dhanka ah alshaab iyo difaaca shacabka soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.