Daawo:Madaxwaynaha DDSI oo ka digay CoronaVirus

cagjar

Madaxwayne, Mustafe Muxumad Cumar, oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta Deegaanka, ayaa sheegay in ayna shacabka Deegaanka ka muuqanin taxadarkii loo baahnaa, marka la eego halista uu leeyahay Cabuuqa COVID-19, Madaxwaynaha ayaana mar kale shacabka ku booriyay, inay shacabku si buuxda u raacaan awaamirta Caafimaad ee ka soo baxay Deegaanka iyo faderaalka.

Madaxwaynaha ayaa sheegay, inay xukuumada Deegaanku qaaday talaabooyin dhawr ah oo caabuqan COVID-19, laga hortagayo” waxaan xoojinay wacyigalinta la xidhiidha ka hortagida caabuqan, anakoo xarumu u diyaarinay dadka lagu dabiibo hadii xanuunkani cid deegaanka ah asiibo, waxaan xidhnay dhamaan xuduudaha deegaanka isla mar ahaantaasna an hakinay wixii isu-socod ah ee deegaanada dariska ah nagaga imanaya” ayuu yidhi madaxwayne, Mustafe Muxumad Cumar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.