Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Wadanka Cummaan Kulan Kula Qaatay Dhiggiisa Dalkaas

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo wefti uu hoggaaminaayey oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal shaqo ku joogay wadanka Cummaan, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaasi ee Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Saldanada Cummaan Md. Ali bin Mascuud Al-Sanadi.

Wasiirka Ganacsiga oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya, ayaa waxay labada dhinac ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa xidhiidhka Ganacsi ee soo-jireenka ah ee u dhaxeeya labada wadan gaar ahaan Xoolaha nool, waxaana ay isku raaceen in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada xoolaha si looggu dhoofiyo Suuqyada Gobalka iyo kuwa Caalamka ba.

Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Cummaan, waxa kale oo ay ka wada-hadleen in la helo is-Afgarad u dhaxeeya labada Wasaaradood oo la xidhiidha arrimaha Ganacsiga iyo Warshadaha isla mar ahaantaana la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii loo xoojin lahaa xariirka Ganacsi ee labada dhinac. Iyaga oo sidoo kale na isku raacay in la abuuro madal ay ku kulmaan Ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Cummaan (Somali-Oman Business Forum).

Dhinacyadu, waxa kale oo ay isla soo hadal-qaadeen in labada dal ay isku xidhaan dhallinyarada leh hibada hal abuurka Ganacsi maadaama ay haystaan dhallinyaro aad u badan oo ku wanaagsan Ganacsiga casriga ah ee Tiknoolojiyadda.

Dhinaca kale, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigiisu ba, waxay booqasho ku tageen Matxafka Qaranka dalka Cumman kaas oo ah meel lagu keydiyo taariikhda iyo dhaqanka Cumman.

Ugu danbeyntii na, waxaa gaar u wada-kulmay madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga ee Saladana Cummaan, kuwaas oo ka wada-hadlay fursadaha Ganacsi ee ay wada yeelan karaan labada dhinac, waxaana ay isku af-garteen inay ganacsi wadaag noqdaan isla markaana ay yeeshaan kulamo joogto ah oo ay kaga tashadaan kordhinta Ganacsigooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.