Daawo:Qaar Kamida Xildhibanada Galmudug oo Martiqaad u Sameeyey Xildhibaan Cabdi Shire

Cabdishire

Waxaa maanta kulan khado sharaf ah ujeedkiisuna ahaa soo dhaweyen iyo ka tashi arrimaha Galmudug Loogu sameeyey Hotelka Beder ee Magaalada Dhuusamreeb Xildhibaan Cabdi Shire oo kamida Xildhibaanada Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Kulankaan Khado Sharafta iyo wada tashiga ah ayaa waxaa Soo qaban qaabiyey Xildhibaan Mahad Xersi, Xildhibaan Cabdalla Fanag iyo XIldhibaan khadar Cadaawe oo ka mida Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Galmudug.

Xildhobaan Cabdi Shire iyo Xildhibaanada Galmudug ayaa kawada hadlay arrimaha murugsan ee hareereeyay qabashada doorashooyinka Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa ee Dawlad Gobleedka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug oo ah rag aqoon iyo tayaba leh, ayaa Xildhibaan Cabdi shire ku booriyay in ay danta guud ay ka hormariyaan tan gaara ah, codkoodana ugu adeegaan meesha danta shacabka reer Galmudug ku jirto, waana islaqaateen..

Ugu dambayntii Xildhibaan Cabdi Shire ayaa ugu mahadceliyey sida qadarinta leh oo ay u soo dhaweeyeen, uguna muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin matalaada aan ku matalo Golaha Shacabka ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.