Sawiro:Shir Looga Hadlaayo Xal u Helidda Barakacayaasha Gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu qabtay

mahdi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ayaa maanta daah furay qorshaha maamulka gobalka Banaadir ee xal u helidda barakacayaasha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa munaasabadda lagu daah furayay qorshaha ka sheegay in Abaaaro, daadad iyo isbedelka cimilada adduunka oo iskaashaday ay sababaeen in dad badan ay barakacayaal noqdaan, sidaa darteen uu qorshahaanu gacan weyn ka geysan doono in xal waara loo helo barakacayaasha ku nool gobalka Banaadir

Qorshaha maamulka gobalka Banaadir ee xal u helidda barakacayaasha ayaa la jaan qaadaya qorshaha horumarinta Qaranka 2020-2024, waxuuna guul ku tilmaamay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in ay socdaan dadaallo mideysan oo shacabka, dowldda iyo beesha caalamku ay ku doonayaan in xal kama dambeys ah loo helo barakacayaasha gobalka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.