Sawiro:Abwaan Shube oo la wareegay Xilkii loo Magacaabay

shube

Maareeyihii hore Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka mudane Maxamed Abuukar Axmed {Ma’da} ayaa maanta xilka ku wareejiyay Maareeyaha cusub Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf {Shube} oo uu Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) u magacaabay Maareeyahaa golaha murtida iyo madadaalada Qaranka.

Maareeyihii hore mudane Maxamed Abuukar Axmed {Ma’da} ayaa sheegay in wax badan lasoo qabtay waxne ay dhimanyihiin, isagoo Maareeyaha cusub kula dardaarmay inuu meeshaas kasii wado.

Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf {Shube} ayaa Maareeyihii hore uga mahadceliyay shaqadii uu usoo qabtay Qaranka, isagoo xusay inuu halkaas ka sii wadi doono.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo goobjoog ka ahaa xil wareejinta ayaa Maareeyihii hore uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneyd ee uu Qaranka usoo qabtay, isagoo Maareeyaha cusub kula dardaarmay in uu shaqada halkeeda kasii wado.

da.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.