Baardheere:Ciidamada xoogga dalka oo ku wajahan deegaanno ay ku dhumalaysanayaan Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee fariisinkooda yahay Degmada Baardheere ayaa bilaabay howlgal balaaran oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanno dhaca Galbeedka Degmada Baardheere oo maalmahii la soo dhaafey ay soo buux dhaafiyeen  maleeshiyaadka argagixsiada Al-Shabaab.

Dhame Cali Turkish oo ah Taliyaha Ururka 49 aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Degmada Baardheere oo la hadlayey Barnaamijka SAMAWADE ayaa sheegay in  ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen qeybo badan oo ka tirsan Gobolka.

Arintan ayaa timid kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay dadka degan tuulada Reydab oo Baardheere u jirta ilaa 55-KM ay si qasab ah uga qaateen xoolo  nool oo gaaraya ilaa 450 neef oo isugu jira Geel iyo Ari, iyagoo sidoo kale afduubtey shan ka mid ah duqeyda deegaanka.

Dhame Cali Turkish ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ay ka jawaabeen falalka guracan ee ay maleeshiyada Al-Shabaab kula kaceen dadka degan Tuulada Reydab, isla markaana ay ciidamada kaabiga ku hayaan tuulooyinka  Reydab, Muudaale, Sidimo, Kantama, Takar ,dhamaan tuulloyinkaasi oo Baardheere u jira qiyaastii 60km ilaa 45 km, halkaasi oo ay isaga carareen argagixsada Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda deegaannada ay gaareen ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya, lama kulmin wax iska caabin ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.