Axmed Madoobe oo ku Fashilmay kulamadii Safiirada Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Hogaamiyaha Isdoortay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Safiiradda Dowlada Denmark u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles Marwo Mette Knudsen.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn Safiiradda warbixin kooban kasiiyey xaalada guud ee Jubbaland, Doorashadii iyo Xaalada Siyaasadeed ee hadda dalku marayo.

Sidookale Axmed Madoobe ayaa safiiradda la wadaagey aragtida Jubbaland ee doorasahda 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorasho loo wada dhanyahay maangalna ah loo suuro galin karo, taas oo uu sheegay inay u baahantahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara DFS iyo Dowlad goboleedyada dalka.

Marwo Mette Knudsen waa safiirada Denmark u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegtay in danta Soomaaliya iyo tan beesha caalamkuba kujirto in wada shaqeyn rasmi ahi dhex marto Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada, Waxaa kaloo laga Maar maan ah in doorasho ay u wada dhan yihiin Shacabka Jubbaland ka dhacdo Deegaanada Jubbaland Taas oo Bulshada oo dhan kawada qayb qaadanayso.

Hadalkaas kasoo Yeeray Safiiradaha Denmark u qaabilsan Soomaliya ayaa daba socda Hadaladii horay Beesha Caalamku ugu sheegtay axmed madoobe oo ahaa in Jubbaland Doorasho kale lagu qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.