Duqaymo ka dhacay Jilib oo lagu Dilay Horjoogayaal ka tirsan Shabaab

shabab

Duqeyn caawa ka dhacday duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab iyo darawalkiisii, xilli ay ka bexeen degmada Jilib kuna wajahnaayeen deegaan kale oo hoos taga degmadaas Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraalkiil ka tirsan dowladda, oo Gedotimes la hadlay, ayaa sheegay geerida sarkaalkaas oo magaciisa lagu soo koobay Asad, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha ugu saameeynta badan qeybta amniyaadka ee Al-Shabaab, sidoo kale saraakiisha aan ka soo xiganay geerida ninkaan ayaa sheegay in dhawaan loo magacaabay amiirka guud ee amniiyaadka Al-Shabaab.

Warbixinta lagu xaqiijiyey dilka Sarkaalkan ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey inuu ka soo dagaalamay qaar ka mid ah wadamada caalamka, sida Afgaanistaan iyo Ciraaq.

Dhinaca kale wax yar uu ka dib markii ay dhacday duqeyntu ayaa xarun ku taal gudaha degmada Jilib oo shir ugu soo gaba gaboobay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa laga maqlay is-rasaaseyn xoog leh oo u dhaxaysay dagaalyahano ka wada tirsan Al-Shabaab, kadib markii sida la sheegay ay kala shakiyeen.

Iska hor imaadkaas oo mudo socday ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa shan dagaalame oo uu ku jiro sarkaal goobta ku sugnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka istiraatiiyada xogta , walina lama oga dhaawacyada ka dhashay is rasaaseyntaas.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeynta lagu dilay sarkaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.