Madaxweynaha Jambuuti oo ka tacsiyadeeyay geerida Elmaas Elman

ggeele

Dowladda Jabuuti ayaa si adag u cambaareeysay dilkii nasiib darrada ahaa ee 20 kii Bishan loo geestay marxuumad, Elmaas Elman Ali, taas oo lagu dhex toogtay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jambuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa geerida Almaas Elman uga tacsiyadeeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,dhamaan Qoyskeeda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ka baxday.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Marxuumad Elmaas Elman Ali ay ahayd Iftiin u soo baxayay ummadda iyo Qaranka Soomaaliyeed,islamarkaana lahayd mustaqbal wanaagsan,wuxuuna hadalkiisa raaciyay inuu ka naxay geerida Elmaas markii uu maqlay.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada baaritaan ku aadan Kiiska Elmaas Elman oo ahayd nabad jire caan ah iyo Diplomaasiyad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.