Hawgal ay fuliyeen ciidamada Somaaliya iyo kuwa Maraykanka Yaa lagu dilay Shabaab

diyarad

Howlgal ballaran oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kuunya Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu khaarijiyay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, Sida ay Wakaaladda Wararka  SONNA  u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaasi.

Bartilmaameedka howlgalkaasi oo ay sida wadajirka ah  u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka ayaa ahaa horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab,kuwaasi oo ku dhuumalaysanaya deegaanada howdka ah.

War-qoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah,mudadii uu socday howlgalkaasi,balse khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada Alshabaab.

“Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi horjooge ka tirsanaa koxda Alshabaab,tani ayaa hoos u dhigaysa awoodii argagixisada,iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa,waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah”. Sidaasina waxaa sheegay saraakiisha ciidamada howlgalkaasi hoggaaminaysay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgalada dalka looga sifeynayo haraadiga Shabaab,taasi oo keentay in ay ka cararaan deegaanno badan.

Saraakiishan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada,ilaa dalka looga saaro koxda Alshabaab,si dalka loogu soo dabaalo nabad iyo xasilooni waarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.