Ciidamada Amniga Boosaaso oo raadinaya Nabadoon Dhaliilay Deni

deni

Ciidamada amniga ee gobolka bari ayaa saaka qaaday howlgal ay ku doonayay in ay ku soo xiraan Nabdoon lagu magacaabo C/casiis Cabdi Baydhabood oo kamid ah waxgaradka Puntland.

ciidamada ayaa isku gadaamay xaafada uu ka daganyahay magaalada Bosaaso si ay u soo qabtaan, balse dadka xaafada ayaa sheegay in xiligii ay ciidamada yimaadeen guriga uu Nabadoonku ka maanaa.

warar ay Daljir helayso ayaa sheegaya in gurigii uu daganaa ay ciidamada ka heleen hub iyo joodariyaal farabadan oo ah nooca lagu seexdo.

C/casiis Cabdi Baydhabood ayaa dhawaan waxaa uu si kulul uga hadlay qaabka ay Shirkadda DP World u maamushio Dekadda Boosaaso oo uu ku dhaliilay inay mas’uul ka yihiin Madaxda Puntland.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee gobolka oo ku aadan sababta Nabadoonkan loo raadinayo.

Xigasho radio Daljir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.