Maxaad kala socotaa qaylo dhaanta kasoo yeeraysa Degmada Jalalaqsi

wabi

Maamulka Degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagantahay Degmada, maadaama ay saameyn ku yeelatay fatahaadda webiga Shabeelle.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Dabaashe oo la hadlay Warbashinta Qaranka ayaa sheegay inay dib u habeyn ku seemeeyn garoonka diyaaradaha ee magaalada, maadaama gurmad dhanka dhulka ah lala soo gaari karin magaaalda, isagoo ku baaqay in shacabka kaalmo deg deg ah lala soo gaaro, maadaama fatahaadda webiga Shabeelle ay saameysay nolosha dadka deegaanka.

“Magaalada wey kala xirantahay muddo 15 cisho ka badan ayay kala xirantahay, hadda wax gaadiid ah oo gurmad wada ma soo geli karaan, anaga iyo ciidamada AMISOM ayaa ka shaqeynay inaan sameyno garoon diyaaradeed oo caalami ah, si gurmad loogu fidiyo shacabka magaalada ku nool, runtii webiga Shabeelle ayaa saameyn ku yeeshay magaalada, maadaama tuulooyinka ku teedsan uu ku fatahay biyaha webiga” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.