Barlamaanka Puntland oo doortay Musharaxii uu Keenay Deni

Waxa la soo gaba-gebeeyay doorashada guddoomiyaha guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo saakay ka bilaabatay xarunta baarlamaanka ee magaalada Garoowe.

Musharaxiinta kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdi jamaal Cismaan Maxamed ayaa wareegii u dambeeyey isugu soo haray waxaana Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo helay 46-Cod iyada oo Musaraxa kale ee Cabdi jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17-Cod sidaasna waxaa ku soo dhamaatay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Dorashadaan ayaa waxaa ka maqnaa waxgaradkii iyo isimadii Puntland sababo pa xariira qilaafka kajira Puntland.

Cabdulaahi Yuusuf Jibriil ayaa ahaa musharaxa Madawayne Deni watay kaas oo ku guulaystay Doorashadii Gudoomiyaha Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.