Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Xaalada fatahaadaha

roob

Warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in haatan ay yaaraadeen ama hooc u dhac uu ku yimid Biyaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaasi oo ku fatahay deegaanada qaar ee Gobalada dalka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda ayaa u qornaa sidatan:-

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ku
war-gelinaysaa in fatahaadihii Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo hoos u dhac ku yimid, hadii
roobab yimaadana weli cabsida fatahadaha meelaha qaar wey jirtaa.

Dowladdu, waxay mahad celin balaaran u jeedinaysaa ganacsatada Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda gurmadka xoogga leh oo ay u fidiyeen walaalahooda ku wax yeeloobay daadadka ku soo rogmaday iyo fatahaadaha webiyada.
Sidoo kale,Dowladdu waxay marlabaad umahadcelinaysaa Dowladaha saxiibada caalamka ee gurmadka fatahaadaha ka gaystay gacan wayn.

Gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee fatahaaduhu saameeyeen wuxuu u socdaasi habsami leh, waxaana laga gaaray guulo lataaban karo muddo kooban.

Dwladda soomaaliya waxay rajo weyn ka qabtaa inuu si guul ah ay ku soo gaba gaboobaan
labadii weji ee hore qorshii ay dejisay dowladu ee afarta weji ahaa inkastoo ay dadku ay u
baahanyiihin caawin ilaa inta ay dib uga soo ceshanayaan noloshoodii.

Sidoo kale waxaa hada bilaabmaya wejigii sadexaad in dib ugu celin dadka barakacay
guryahoodii iyo dayactirka iyo dib u hawlgelinta goobihii adeega Bulshada sida iskuuladii,
goobihii Caafimaad iyo wixii la mid ah.

Waxaa hada bilaabmaya wejigii sadexaad iyo kii afraad ee Qorshaha, sidaas awgeed,
Dawladdu waxay Shacabka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo Dawladaha Saaxiibka la ah
Soomaaliya waxaanu ka codsanaynaa in ay sii wadaan Gurmadka iyo Taakulada la
gaadhsiinayo dadka ay roobabka iyo Fatahaadu wax yeeleeyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.