Sawiro:Gudoomiyihii Barlamaanka Puntland iyo ciidan wato oo iskaga Baxay Garoowe

Guddoomiyihii Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ee la afgambiyey Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed ayaa isaga baxay Magaalada Garoowe isagoo waheliayaan Ciidamo iyo gadiid dagaal.

Cabdixakiin Dhooba-daareed iyo Ciidanka uu hogaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag, iyadoona halkaas ay kusoo dhaweeyeen qaybahabkala duwan ee bulshada.

Guddoomiye Dhooba-daareed oo safarkiisa ku wehlinayeen Ciidamo isaga taabacsan ayaa waxa uu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa inta uu ku sugan yahay degmada Xingalool Bulshada halkaas ku dhaqan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu Gudoomiye Dhooba Dareed xarunta Barlamaanaka dib ugu soo noqon doono Maalinta Isniinta ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.