Ciidamada Dowlada oo isu Furay Wadooyinka isku xira deegaanada Koonfur Galbeed

Ciidanka Xoogga dalka ee deegaanada koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wada Qorshayaal kala duwan kuwaas Maleeshiyaadka Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay ku sugan yihiin kuwaas oo ay dadka ku dhibaateeyaan.

Ciidanka ayaa jidadka xiran ee gobolada Bay, Bakool iyo Shabeellahaha hoose sidii loo furi lahaa ka shaqeynaya.

Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Timacade Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay isaga oo wareysi siinayey Radio Muqdisho in ciidanku diyaar garow buuxa u galay sidii Argagaxisada dadka looga hor leexin lahaa.

Taliyaha ayaa dhanka kale waxaa uu tilmaamay in gobolka Shabeellaha hoose dhawaan laga bilaabi doono howgal safbalaaran ah kaas oo looga gol-leeyahay in Argagaxisada laga saaro meelaha ay ku dhuumaaleysanayaa.

Hadalka Taliyaha qeybta 60-aad ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay in ka badan 400 oo askari kana mid ah Ciidanka Xoogga dalka tababar loogu soo gabagabeeyey magaalada Baydhabo waxaana munaasabadii xiritaanka ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Laftagareen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.