Sawiro:Fatahaada wabiyada oo sameeyey Degmada Baardheere

ku dhowaad 20 kun oo Qoys ayaa ku Barakacay Daadadka Roobabka iyo webiga Jubba oo ku Fatahay Baardheere iyo Deegaano hoos yimaada.
Xogtaan ayaa soo baxdey maanta,ka dib markii ay shir isugu yimaadeen Maamulka degmada Baardheere iyo Guddi ka socda hay,adaha Samafalka ee ka howl gala degmada Baardheere,waxaa baaba,ay gebi ahaanba dalagyadii saarnaa 1205 Beerood oo ku yaalay ilaa 54 Tuulo oo ku teedsan webiga Jiinkiisa.


Waxaana laga Barakacay Qaar ka mid ah Xaafadaha Baardheere oo webigga jubba  uu ku fatahay iyo Roobabkii daadadka Watey,ilaa iyo hadda ma jiraan wax gurmad bini,aadinimo ah oo soo gaarey deegaanka,waxaana cirka isku shareeray Qiimaha Cuntada iyo Khudaarta.


Maamulka Dgmada iyo Guddiga cusub ee gurmadka Fatahaadaha ayaa Codsi gurmad bini,aadinimo waxay u jeediyeen DF,Jubaland,Hay,adaha Samafalka Caalamiga iyo Qurba joogta Soomaaliyeed .   

 

GEDOTIMES 

Abdirahman alfa mohamud

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.