Akhriso:Somaaliya oo qarka u saran inuu sameeyo dagaalka Masar iyo Itoobiya

Masar iyo Itoobiya waxaa wali ka taagan xiisadda biya xireenka Wabiga Niil ee Al-nahda. Marar badan ayaa hanjabaad hawada la isu mariyaa waxaana u danbeeyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Dalkiisa Dagaal uu ka galayo Al-nahda.

Masar waxay ilaa 15 heshiis ka gashay biyaha wabiga niil, laga soo bilaabo xilligii guumaystaha; waxaana u danbeeyey heshiiskii 1993- dii Mubaarak iyo Malis sanaawi dhex-maray.

Heshiisyadaas waxay ku qotomeen in biyaha Masar aado aanan la xirin, waxna loo dhimin. Heshiisyadaas laguma xad-gudbi karo waxayna qayb ka yihiin Xeerka Caalamiga ah, Masarna waxay dacwad gayn kartaa Garsoor Caalami ah.

Markii intaas laga soo tago Masar waa Dal leh, ilbaxnimo fog, Aqoon durugsan iyo awood Ciidan.

Soomaaliya oo ku tiirsan xoolaha iyo beeraha waxaa maro labo wabbi oo ka imaado Itoobiya
” Jubba & Shabeelle”. Mid kasta waxuu maraa Saddex gobal oo dhul-beereedka ugu badan ah.

Hoggaamiyihii Itoobiya 1964-tii waxuu ku hanjabay in uu qalajin doona ilaha biyaha Soomaaliya aado markii uu dhacay dagaalkii koobnaa.

Dr Cabay Axmad, rasiiul wasaaraha Itoobiya ee haatan talada hayo mar uu ka hadlaayey Dakadaha Soomaaliya in uu maalgashto waxaa hadalkiisa ku jiray: ” Biyaha dhanaha lama cabbi karo” oo uu ka waday biyaha macaan Itoobiya ayey idin kaga imaadaan, baddana lama cabbi karo.

Ma jiro wax heshiis ah oon ka galnay Biyaha Wabbiyada, Caalamkana waxuu uu gali rabaa waxa loogu yeero Dagaalka biyaha iyo Dekadaha ” حرب المياه والمواني”.

Dowladaha waxay ka fakarayaan Amniga biyaha, oo ka muhiimsan Amniga caadiga ah.

Haddii 2009-kii lagu baraarugay in Kenya ay Khariid iskeed ah ka samaysay Xaduud badeedka Labada Dal 2005-tii, goorma ayaa lagu baraarugi doonaa wabbiyadii oo xiran?.

W/Q : Garyaqaan Cali Sheikh Aadan Yusuf ” Cali Somali”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.