Maxaad kala socotaa Diplomaasiyada Cusub ee Aduunka

maqa

Qaramadda midoobay (UN) oo aheyd hay’adda ama jaamacad laga barto diploomaasiyadda caalamka iyo xalinta dhibaatooyinka ka jira dunida gaar ahaan dalalka ay ka jiraan dagaalladda aan dhammaadka laheyn iyo kuwa lagu hoobto intaba.Khilaaf siyaasadeed iyo tartan ka dhexeeyey dowladaha u xilsaaran ammaanka iyo nabadeynta dunida guudkeeda awgeed waxaa sidii la rabay u shaqeyn weyday diploomaasiyaddii,  heshiisyaddii ( Genève 1947 ) iyo kuwii ka dambeeyey.
Ka dib, markii isbedel weyn uu ku dhacay heerka diploomaasiyadda ( the level of the ground ) oo noqotay mid  qaarna iney dusha sare ku ciyaaraan, qaar kalena god hoose ku dheelaan ) taaso micnaheedu yahay: in xubnaha golaha ammaanka is raacoodda iyo ka aamuusiddooda go’aan dhexdeeda laga faa’iideysanaayo.Iyadoo taasi jirto ayaa waxaa soo baxday faham cusub oo markii dambe noqday nooc ka mid ah diploomaasiyadda maanta lagu dhaqmo ( perfect diplomacy ) oo micnaha ka dambeeya u yahay in warqadaha siyaasadeed leysku qaldo si aad wax ugu cadaadin kartid, isla markaana aad tanaasul ku heli kartid ( dividing the attention ).
Waxaa sanadihii todobaatankii 70’s ay ka bilaabantay bariga dhexe, Isreal oo daruusta iyo masiixiyiinta Lebanon u isticmaashay awr kiraaleyaal dagaal.Sanadihii sideetanka 80″s waxaa isticmaashay Iiran si qalqal gelin iyo aargudasho ah dalalka carabta qaarkood ( shi’a revolution ).Mareykanka si uu u qabsado Ciraaq wuxuu sameystay awr kiraaleyaal Kurdi ah, sidaas si la mid ah ayuu isku dayey mareykanka inuu ka sameeyo Syria laakin waxay isaga horyimaadeen Turkiga  oo isku khilaafeen.Arrimahaas oo dhan iyo kuwo la mid ahba waxay ka socdaan Somalia oo noqotay goob awr kiraale ( dal ay joogaan dhowr ciidan oo ka kala socda dowladdo kala duwan iyo sirdoonkooddii ).Dowladdahaas labada ugu firfircoon dhanka awr kiraaleyaasha iyo kala qeybinta waa Ethiopië iyo Kenya oo hoosta ka wata warqaddo siyaasadeed iyo agendooyin qarsoon.Beesha caalamka iyo damiirkeedda ( UN ) wey la socdaan arrinta labada dal ee deriska ah ay ka wadaan Somalia.              GEDOTIMES       ABDIRAHMAN ALFA MOHAMUDAttachments area

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.