Soomaaliya oo Kenya u gudbisay qoraal ka dhan ah Xad-gudubkii diyaaradeed ee Hawada Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah u yeertay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta Wasaaradda ayaa u dhiibay qoraal ay Soomaaliya kaga cabaneyso Xad-gudubkii diyaarad laga leeyahay Kenya ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October, 2019, diyaaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo,iyadoo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr Cabdi ayaa kala hadlay Safiirka Kenya ee Soomaaliya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labo Dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.