Top News:Deni oo Diyaarad lagula cararay kadib Markii Dagaal Ka dhacay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in Iska horimaad u dhaxeeya ciidamada Ilaalada Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Abgaal iyo ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee PSF uu ka dhacay magaaladaas, kaas oo geystay khasaare dhaawacyo soo gaaray askar kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in is maandhaaf u dhaxeeya ciidamadan oo wasiirka Maaliyadda u diiday in uu gudbo dhanka Madaxtooyada ayay sababtay in ay is maandhaaf, sidaasna xabadu ku bilaabato.

Dhanka kale Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ku sugnaa Magalada Boosaaso ayaa markuu dagaalka dhacay waxaa loola Cararay garoonka Diyaaradaha Boosaaso halkaas oo laga soo saaray Diyaarad taas oo keentay Garoowe.

qaar kamida Shaqalaha Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay markii xabada dhacday in la mooday weerar ay soo qaadeen kooxda Argagixisada Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.