Daawo:Deni oo aqbalay inuu wadahadal lagalo Dowlada

wasiir

Wafti Wasiiro ka soo jeeda Puntland oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad,waxaana ka qeyb ahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi bidhaan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno ayaa Magaalada boosaaso wada Hadal kula yeeshay Hogaamiyaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inay ku guuleysteen in la soo celiyo xiriirkii ka dhaxeeyay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Warar Dheeraad ah oo laga helayo Kulankaas dhexmaray Deni iyo Wasiirada kasoo jeeda Puntland ayaa waxay sheegayaan inuu Deni diiday dalabkii Dowlada ee ahaa inuusan tagin caleemo saarka Hogaamiyaha fashilmay ee Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.