Daawo:Gudoomiyaasha Barlamaanada Soomaliya iyo Jabuuti oo gaaray Baydhabo

Wafdigan oo si Wadajir ah ay uhogaaminayeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Somaaliya Amb.Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Gudoomiyaha Barlamanka Jamhuuriyadda Jabbuuti mudane Maxamed Cali oo ay Qeyb ka ahayeen Xubno ka Tirsan Labada Dowladood ayaa Maanta Si diiran loogu soo dhoweyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta ee Gobolka baay.

 
Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Mudane Cabduqadir Shariif  Sheekhuna maye Wasiiro Xildhibaano Mamulka Gobolka baay kan degmada baydhabo iyo Boqolaal Shacabka Reer Baydhabo ayaa kuso dhoweyey Wafdiga Garoonka Diyaaradaha  Shaati Gaduud Airport ee  Magalaada Baydhabo .


Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Somaliya Mudane Maxamed mursal Shekh Cabdiraxmaan ayaa uga mahadceliyey Shacabka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soo Dhoweynta ay usameeyen Waxaana uu Tilmaamay in Safarkooda uu yahay Arimo Shaqo ujeedka Gudoomiyaha Barlamanka Jamhuuriyada Jabuuti uu yahay ka Qeybgalka Furitaanka kala fadhiga Barlamanka Soomaliya kaasi oo lagu wado inuu furmo Maalinta carbacada ah.

  GEDOTIMES.COM

Abdirahman alfa mohamud   mogdishu somalia

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.