Akhriso Taariiqda Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Galmudug Maxamed Xaashi

carabay

Mudane Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey) oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug, kaasoo misana ahaa raggii dhidabada u taagay maamulka Galmudug ayaa ah musharax mar kale u taagan xilka Madaxweyne ku xigeen ee Dawlad Gobaleedka Galmudug.


Mudane Maxamed Xaashi waxaa uu halgan dheer usoo galay sidii gobalada dhexe ee soomaaliya ay u yeelan lahaayeen maamul iyo kala dambayn u horseedda, sidii ay ku heli lahaayeen adeegyadii loo baahnaa ee aasaaska u ah nolasha dadweynaha, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaaladii sokeeye iyo burburkii iyo qaran-jabkii ku habsaday dalka iyo dadka soomaaliyeed.


Waxaa Mudane Xaashi uu ahaa ninkii hal-abuuray in deegaanada Galgaduud ay helaan maamul ku meel-gaar ah, kaasoo ahaa maamulkii Somali Central State ee lagu soo dhisay magaalada Leicester ee carriga Ingiriiska, ugu dambayna si wadar ah isaga loogu doortay inuu garwadeen ka noqdo.


Maxamed Xaashi Cabdi ayaa muddadii uu hayay xilka madaxweyne ku xigeen ee Galmudug la yimid dadaal iyo firfircooni aan lasoo koobi karin, kaasoo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in Galmudug ay yeelato maamul hanaqaad iyo taabagal ah.


Si kastaba ha ahaatee Mudane Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey) oo haatan ah Musharax mar kale  u taagan qabashada xilka Madaxweyne ku xigeen ee Dawlad Goboleedka Galmudug, ayaa waxaa hubaal ah inuu yahay masuul ku sifoobay daacadnimo, dulqaad, hufnaan, hawl-karnimo, aqoon iwm, kaasoo haddii mar kale ku guulaysto xilkaan laga filayo inuu dhidabada u taago maamul adag oo majara hagaagsan oo wax wayn ka qabta dhamaan adeegyada aasaaska u ah nolasha bulsha-weynta reer Galmudug .

GEDOTIMES 

Abdirahman Alfa mohamud

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.