Maxaa Kulmiyey shirka labada Madal iyo Qaylada Labada Gobol???

deni

Wedka iyo Weedha maxaa kulmiyey?

Xilli maanta dad badan oo Somaaliyeed ay ku faraxsanyihiin soona dhaweyeen in Madasha Iskaashiga Somaaliya iyo Beesha Caalamka SPF lagu qabto Caasimada Muqdisho lagana soo wareejiyo dibadda Somaaliya iyo dawladihii kasoo qeybgalay oo wada qiray horumarka dawladda Somaliya ay ka gaartay dhinacyada; Nabadda, Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Adeegyada Bulshada, Dhismaha Ciidamada, Diplomaasiyadda, Dhismaha Hay’adaha Dawladda, Xiriirka Caalamka iyo Gobalka iwm!

Ayaa dhinaca kale waxaa Xamar looga Dhawaaqay Madasha Iskaashiga Xisbiyada Xamar ee ay Hoggaamiyaan labadii Madaxweyne hore ee Sh. Shariif iyo Sh. Xasan iyaga oo sheegay in ay Walaac iyo Welwel ka qabaan Arrimaha Somaaliya iyo in ay Madax iyo Musharaxiin ka yihiin Madashaas, halka Afayeenno ay ka yihiin Xildhibaanno kasoo kala jeeda Puntland iyo Somaliland!

Sidoo kale waxaa maanta ka Qeyliyey Shirka Madasha SPF Maamulada labada Gobal ee Puntland iyo Jubbaland iyaga oo xusay in aysan ku faraxsaneyn Shirka Muqdisho, iyaga oo aan caddeyn sababaha aysan ugu qanacsaneyn markii laga reebo in aan lagu Casuumin Madaxweynihii hore Axmed Madoobe iyo in hiillo gaar ah ay ka dhaxeyso labada Gobal iyo labada Madaxweyne!

Hadaba waxaa is weydiin mudan;

  1. Sababta labada Madal maalin kaliya looga wada hadlay Horumar iyo Dib u dhac Somaaliya! Tee baa run u dhaw?
  2. Muxuu yahay Xiriirka ka dhexeeya Madashii Iskaashiga Gobalada ee Kismaayo Sanadkii hore iyo Madasha Xisbiyada Xamar ee Maanta? Mise waa la isku bedelay?
  3. Madaxweyne Xasan miyuusan wax ka baran Madashii Hoggaanka Qaran ee uu sameeyey 2016 ee lagu dilay Barlamaankii 9 aad kadibna isaga ku dishay doorashadii dadbaneed?
  4. Waxaa Su’aal Mudan Cadaaladda lagu qeybiyey Madasha Xisbiyada Xamar ee Madaxdii iyo Musharraxiintii lagu siiyey Xamar? Afhayeenadii iyo Xoghayntiina lagu siiyey Puntland iyo Somaliland?
  5. Muxuu yahay Gurmadka iyo Hiilada gaarka ah ee ka dhaxeysa Puntland iyo Jubbaland oo ku kala yaal labada dharaf ee dalka iyada oo la ogyahay in aysan horey ugu soo Gurman labada Gobal ee deriska la ah ee Galmudug iyo Koofurgalbeed?
  6. Haddii Madasha SPF ay Qaban-qaabiyeen kana qeybgaleen Wasiiro, Xildhibaanno iyo Bulsho Rayid ah oo Matala Puntlan iyo Jubbaland! Ma waxaa ka awood badan M. Deni iyo A. Moddobe oo leh looma dhama?
  7. Haddii Dawladda Federaalku ay leedahay Matalaada Arrimaha Dibadda iyo Qaban-qaabada Shirarka Caalamiga ah miyeysan Matali karin Puntland iyo Jubbaland?
  8. Maqnaashaha M. Deni iyo A. Madoobe maxey ka beddeli karaan Shirka Madasha SPF? Maxey-se Madasha Xisbiyada Xamar kusoo biirin kartaa geedi-socodka Siyaasadda Somaaliya?

Naftaada Wadaniyadda Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.