Puntland waa Fidnadii Federaalka Dhashay

deni

Subaxnimadii 16/09/19  waxaan akhriyey maqaal uu ku soo qoray mudane khadar Dubat dayniile.com oo uu cinwaan ama madax uga dhigay (PUNTLAND MA HOOYADII FEDERAALKAA MISE WAA FIDNADII FEDERAAlkA)?Marka u horeysa waxaan u mahadcelinayaa mudane Khadar marka xigana waxaan ku xijin lahaa maahmaah oday Soomaaliyeed ka tegay AUN ee la oran jirey Nuure oo ahayd (SOOMALIDU ARINTA WAA HESHAA KUMASE HABSATO) Haddii aan micneeyo,Soomaalidu way heli ogtahay Meesha laga soo galay oo dhibaatadu katimid laakiin xalka looga gudbaayo aalaa ma hesho.

Haddaba aan dulmaro qodabadii uu soo qaatay iyo mid aan ku daraayo oo ah sidaan:-

-Shaqsigii ugu horeeyey ee gaala cadaana soo geliyey dalka in uu ahaa Keenadiid oo walaalki oo tolku u doortay Boqor u quuriwaayey,ujeedaduna ahayd in uu dilo oo is boqro.

-Khaladkii ugu weynaa ee ingiriis lagu diidey in shanti Soomaaliya loo wada dhiibo.

-Sababihii dhaliyey in la dilo madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Soomaalidu wada jeclayd gacantoodana ku baxay,kadibana ciidamadu noo qabsadeen.

-Cadawgii soo jireenka ahaa oo albaabkiisu naga xirnaa oo SSDF furtay oo keentay in qarankii Soomaaliya ee Afrika ugu awooda roonaa Khadka ka maqan Sodon sano.

-4.5 oo jabuuti lagu soo sameyey iyo Federaalkii Imbegaati(Doofaarrey).

-Ciidankii 50,000 gaaraayey in Xamar la soo geliyo oo IToobiyaan ah wixii ay faleena aan la wada socono.

-Ugu denbayn Tilaabo Soomaali wax tar u ah oo aan la qaadi Karin oo hadda taagan(INYOOW).

Intaas haddaan ku soo kobo nuxurka maqaalkii Mudane Khadar ee uu punilaand ku dhaliilay oo mid walba ninka horkacaayey uu magacaabay,waxaan xasuusin lahaa in ay jireen shaqsiyaad taariikhda Soomaalida ku xusan oo aan la ilaawi Karin oo ay ka mid ahaayeey:-

-Ninkii ugu horeeyey ee ku hamiyey in Afka Soomaaliga la qoro oo far Soomaaliya alifay salkana u dhigay 21ka shibbane iyo tobanka shaqalak ah Waa Yaasiin keenadiid.

-Ninkii Aasaasay SYL ee xeerkii iyo barnaajidkii ay ku dhaqantay ee xornimo doonka ahaa sameeyeey waa Yaasiin Xaaji Cismaan.

-Ninkii calanka soomaaliya ee bluuga ah sameeyey, kuna asteeyey xiddigta shanta gees leh oo micneheedu shantii Soomaalyeed ee Gumeestuhu kala geeyey in aan la iloobin ee laysu keeno Waa Maxamed Cawaale Liibaan.

-Helyeeyadii Dumarka Soomaalida ee Gobonimadoon u geeryootay waa Xaawo Cismaan(XAAWO TAAKO).

Isku soo wada duub dhamaan shaqsiyaadkaas iyo halyeeyo badan oo wadankaan wax u soo qabtay waxay ka soo jeedeen puntilaand,sidaas awgeed ma qabo in puntilaand shacbigeedu xun yahay,laakiin waxaa ka dhashay shaqsiyaad aad iyo aad u sadana jecel oo reer puntilaandi iyo Soomaalida kaleba midna aan u quurin xukun,wada kasta oo ay la gashana u mara sida midka walaalki Talyaaniga u soo kaxaystay in ay dilaan oo asaga kursiga ku fafriisiyaan,sidoo kale eeg Cabdullaahi Yuusuf oo qarankii Soomaaliya afka u geliyey cadawgii soo jireenka ahaa,markii uu xamar keenay laba sarkaal oo Itoobiyaana baa midna taliskii XDS u fariistay midna Fiila Soomaaliya,mana baraarugin ilaa la yiri amar qaado oo fuli waxaan kuu sheegno oo kaliya,waxaan ka hayaa labadaan eray;-

-HADDAAN OGAHAY IN AY SAAN NOQONEYSO MAXAMED SIYAAD BARRE MA WEERAREEN).Waxaa kale oo hadal ugu denbeeyey markii uu iscasilaayey(MA LA II QABANAAYEY MISE WAA LA QABSANAAYEY),Bal eeg wadaniyadu kama maqna laakii wadada uu sadanada iyo xukunka ka raadiyey,qodxaya iyo kaxandhada ka buuxda oo uusan hawdhoow ka socon karin buu garan waayey.Aan soo gabagabeeyee dadka Reer puntilaand ma xuma ee shaqsiyaadka noocaas ah in ay iska qabtaan ee magacooda dhaamaaya bay garan waaayeen, waa meeshii aan ka soo maahmaahay een sare ku iri Soomaalidu talada waa heshaa kumase habsato oo dhaliil aan kawada simanahay haddaan nahay Soomaali.waana Sababta keentay su,aashadii aan ka jawaabay oo aan iri Puntilaand waa fidnadii Keentay Federaalka,waxaana soo jiiday xumaanta intaas le,eg shakhsiyaad sadana jeceyl madaxmartay oo shacbigii puntilaand ee wanaagsanaa haraseeyey Soomaalinimadiina haadaan ku riday.Hadalka aan ku daayo (CAANA  DAATAY DABADOODAA LA QABTAA)Cabdullahi Siciid Deni reer puntilaandiyoow magaciina iyo kan Soomaaliya ha ku sii deynina ee ka qabta,annaga oo dhammaanteen ka faa,ideysanayna khaldaadka ay galeen iyo dhibkii kuwii sadanada jeclaa noo geysteen,Ogaada sababta aan u iri puntilaand waa fidnadii Federaalka dhashay in aan u jeeday shaqsiyaadka puntilaand iyo Soomaaliba dhibaatada u horseeday,Federaalka laftiisa baana ka mid ah dhibaatada ugu weyn oo shaqsiyaadkaasi nooga tageen(AYAX TEG EELANA REEB).

Wabilaahi Towqiif,

Oday Jimcaale/ London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.