Daawo:Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Guddoomiyay Shir looga Hadlay Hagaajinta Qaab-dhismeedka Isku-dubba-ridka Gargaarka

gulled

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir lagu qabtay Muqdisho oo looga hadlay horumarinta qaab-dhismeedka isku-dubba-ridka gargaarka.

Shirka ayaa aad looga dooday mabaadii’da iyo hannaanka gargaarka dalka iyo sida ugu habboon ee dowladda iyo saaxiibadeeda heer caalami isaga kaashanayaan fulinta maraashiirca hourmarineed ee dalka laga fuliyo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo beesha caalkama uga mahad celiyay taageeradooda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa furitaanka shirka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in beesha caalamka iyo deeg bixiyaasha ay si wadajir ah ugala shaqeyso in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeegyada bulsho oo ay u baahanyihiin Iyo in la dhaqan geliyo Hadafyada qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka, si loo helo Nabad, xasilooni iyo barwaaqo.

Shirka ayaa waxaa goog joog ka ahaa xildhibaanno, wakiilo ka socda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo beesha caalamka, wakiillo ka socda dowlad gobaleedyada iyo bulshada rayidka ah, howl-wadeennada cutubka isku-dubba-ridka gargaarka dalka iyo howl-wadeennada tubaha qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.