Sawiro:Ciidamada Jabuuti oo si diiran loogu soo dhaweeyey Dhuusamreeb

Ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa jabuuti ayaa goordhaweyd gaaray magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

 Ciidamadaan ayaa kasoo baxay Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaana magaaladda kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dadweyne farabadan.

Wasiirka amniga dowladda federalka Maxamed Abuukar Islow ayaa shalay sheegay in ay tagaan magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareeb ciidamadda  AMISOM waxaana shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb taliyaha ciidamada AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.