Daawo:Wasiirkii Hore Amniga Jubbaland oo Diyaraadii uu lasocday Laga Reebay

Wasiirkii hore ee Amnuga Jubbaland Cabdirishiid Janan ayaa waxaa laga reebay Diyaarad uu lasocday Taas oo kasoo baxday Degmada Doolow kuna sii jeeday Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Diyaaradii uu lasocday Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa markii ay soo caga dhigatay Magaalada Muqdisho waxaa laamaha Amniga Garoonka Muqdisho usheegeen rakaabkii diyarada saarnaa inay kasoo dagaan si loo baaro diyaarada intaan loo fasaxin inay u duusho Kismaayo.

Rakaabka Diyaarada ayaa waxaa kamid ahaa Wasiir Amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan oo laamaha Amniga Garoonka Muqdisho Diyaaradii uu lasocday ka reebeen waxaana loo kaxeeyey Xarunta Nabadsugida Muqdisho oo su’aalo lagu waydiinaayo sida ay sheegayaan dad Wasiir Janan xigaalo la ah.

Dowlada Soomaliya ayaa dhawaan waxay ku amartay diyaaradaha u duulaya Magaalada Kismaayo inay soo Maraan Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.