Sawiro:Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa kormeeray Xafiisyada Dowlada Hoose

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda hoose ee Xamar.
Ujeedka kormeerka Guddoomiyaha ayaa ahaa mid uu ugu kuur galayey qaabka ay u shaqeeyaan saraakiisha xafiisyada , wuxuuna ammaanay  hannaanka shaqo ee qeybaha kala duwan ee kormeerka uu ku sameeyey.
Guddoomiyaha cusub ayaa warbixino la xiriirta howlmaalmeedka ay Bulshada u hayaan ka dhageystay maamulka waaxihii uu la kulmay, isagoo kula dar-daarmay in lasii xoojiyo adeegyada shacabka loo hayo.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan Maanta soo booqday xarumaha kala duwan ee D/hoose iyo Maamulka Gobolka banaadir oo igu soo dhaweeyeen maamulka iyo shaqaalaha, waxaana rajeynayaa in dhowaan aan guda geli doono shaqooyinka muhiimka ah ee ina horyaalla”ayuu yiri, Guddoomiyuhu.
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka iyo Xoghayaha Gobolka.

   

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.