DOORASHADA LA YAABKA LEH EE KISMAANYO( THE RIDECLOUS ELECTION OF KISMAANYO)!!!
-Waxaa la yaab leh wixii doorashada lagu sheegay ee ka dhacay Kismaanyo.
-Waxaa kale oo fajciso ah wasaarada arimaha debida iyo saraakiil sirdoon Keenyaan ah oo doorashada ka dhacday Kismaanyo naqshadeeda keenay intaan doorashadu dhicin kuna dhiirigeliyey Axmed Madoobe in uu saas yeelo.
-Waxaa la yaableh xildhibaanada xisaanada leh ee ku garabtaagan Keenya oo albaab kasta u garaacaysa qaadashada badda iyo dhulka Soomaaliyeed qayb ka mid ah ayyaga oo la socda shacbiguna ogyahay,waxay Keenya ka wado IGAD,AU iyo QM.
-Waxaa la yaab leh siyaasiyiinta u tafaxaydan in ay dalkaan hoggaanka u qabtaan qaarkoodna madax ka soo noqdeen oo ayyaguna Keenya ku garab taagan qorshaheeda.
-Waxaa la yaab leh in khaladaadkaas oo DF ay diiday iyo difaacida badda iyo dhulka Soomaaliyeed ay siyaasiyiinta aan sare ku xusay ku eedaynayaan mowqifka ay ku taagan yihiin oo ah jidka saxa ah.Hoos ka dhegaysta Gudoomiyaha doorashada gudigii Axmed madoobe magacawday oo teleefan kula hadlaaya Axmed Ducaale Barre,ninkii mooshinka baarlamaanka Keenya geeyey in biyaha iyo xuduuda dhulka Soomaliya loo diro Ciidanka Keenya.
(LAMA ARAG IYO LAMA MAQAL IYO LAGAMA SHEGAYN BAAN MAQLI JIREY)!!!,laakiin manta ka hor ima soo marin,balse aan intaas uga gudbo in aan dhawr su,aalood Ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigo.
1-Dhulkeena Soomaaliyeed miyuusan ahayn dhaxal awoowe oo aan wada leenahay?
2- Lixijecladii dhulku ma naga dhamaaaytay?
3-Sida ii muuqata ma federaalka baa ummadu uqaadatay in dhulkii aan kala qaybsanay oo in la difaacaa ayyan naga dhexeyn?
4-Shalay Berbera iyo Boosaaso Ragbaa Imaaradka u saxiixay waana haystaan ilaa hadda maantana Axmed madoobe baa Keenya u Saxiixay Jubalaand see u aragtaan?
5-Miyeysan idiin muuqan in cad cad loo qaadan doono dhulka Soomaliyeed,idinka oo nool oo arkaaya?
6-Miyaan federaalku sababin in dhulkii oo hadba qayb la qaadanaayo shacbigu uusan dareenba lahayn
loona arko in qabiil ama qolo gaara laga qaadanaayo oo waxa la qaatay ayyan Soomaali ka dhexayn?
7-Siyaasiyiinta wax kasta oo xumeynaaya dawladnimada Soomaaliyeed taageeraay oo u gacan haadinaaya haddana Fiila Soomaliya faraha noogu fiiqaaya,maxay xukumin beri hadday sahlayaan in nala qabsado?
8-Ugu denbayn dadkii Soomaliyeed miyey dhalanrogmee?,Keenya sow ma fulin balantii ay Axmed la gashay,Axmedna fuli intii loo diray?Aniga jawaabtaydu waa haah ee akhristayaal maxay idin la tahay?!!!
Wabilaahi Towfiid,
Jimcaale /London.
Leave a Reply