Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyay Daahfurka Mashruuca Dhismaha Dekedda Hobyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay booqashada uu maanta ku yimid dalka Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qadar Mudane Maxamed Bin Cabdulraxmaan Al Thani iyo wafdiga uu hoggaaminayay.

Wafdiga sare ee ka socda Dowladda Qadar waxaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, iyada oo ay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Igaarsiinta iyo Dekadaha ee Dowladda Qadar si wadajir ah ugu dhawaaqeen daahfurka Mashruuca Dekedda Hobyo.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Qadar kaalinta ay ka geysanayso dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo taas oo ahmiyad dhaqaale oo istiraatiiji ah u leh Soomaaliya iyo guud ahaan ganacsiga gobolka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dalalka kale ee aan saaxiibka nahay in ay iyaguna Soomaaliya gacan ku siiyaan dib u dhiska dalka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha si uu dalku u gaaro isku filnaasho iyo horumar dhinac walba ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.